25 Siyaabod Aad Naftaada Ku Dhiiri Galin Kartid.
Ma jirta hawl intaad bilowday ka dibna aad ka caajistay
ama ka niyad jabtay? Waxa la idhi hadaad heli lahayd qof
markasta ku ag taagan ama ku ag jooga oo mar walba
naftada wanaaga iyo wixi anfacleh kugu dhirin laha bani
aadmiga dadka ugu roon ayaad noqon lahayd. Hadaba
madama aanad helayn qof markasta inta kula taagan
maxaa xal ah?Xagan waxan kuso qodobeeyey siyaabaha
ugu fudud ee aad naftaada ku dhiri galin lahayd.
1. Naftaada heshiis la gal:heshiiska aad naftaada la
galaysid wuxu noqon kara mid yar ama mid wayn.Tusaale
ahaan naftaada waxaad ku tirahdaa hadaan laba bog o
quranka ah aan qaybo casho qaali ah ayaan caawa suuqa
ka cunaya.
2. Iska dhig qof markiisa hore dhiiran:haday jirto hawl
aanad u dhiranayn inaad qabatid ama caajis ku hayo
waxaad markaaga hore si nafsaaniyad ah naftada uga
dhigta qof xiiso hawsha u haya. Waxa la yaab leh isla
daqiiqado gudahood niyadaadu wey isbedalaysa oo xiisaa
ku galaya.
3. Waxad iswaydiisa su’aalo niyadaada kor u
qaadaya:subax kasta markaad toostid waxaad iswaydiisa
su’aalahan oo kale:Wa maxay waxaan ku faraxsanahay
maanta?Wa maxay sababta aan waxan ugu faraxsanahay?
Dareen nooce ah ayu waxani (ku bedel waxa ka farxinaya
xagan) i galinaya?Waa muhim inaad dareenta sidu ku
dareensiinayo. Markan ka fakiro siiba su’aasha u danbaysa
waxa i gala dareen farxad badan. Ha isku soo koobin
su’aalahan oo kaliya, ka fakir qaado ka dibna
su’aalonolashaada ku saabsan oo ku farxad galinaya ama
ku xiiso galinaya is waydii subax kasta.
4. Yeelo hadaf sareeya:waa inaad yeelata hadaf wayn iyo
hadaf cayiman. Hadafka sareeya wuxu naftaada galin karaa
dhiro galin badan siiba markadmaalinkasta inyar inyar
hadafkaaga inyar u jirsato.
5. Waxaad ka bilowda wax yar kadibna hore u
soco:waxaad ka bilaabi karta oo kaliya inaad miiska aad
wax ku akhrisanaysid iska habayso ama masaxdo ama
aad agagaarkaaga iska nidaamiso, markaad intaa qabatid
waxa ku helaya dareen ah inaad wax qabatay kadibna hore
ayaad uga socon karta ama hawshaada u gudo gali karta.
6. Hawshaada inta ugu culus ama ugu adag ka
bilow:markaad isdhaafisid ama qabatid hawsha uguculus
ama ugu adag aad maalinta leedahay isla markiiba
waxaad dareenmaysa in maalinkaagu fududaday.
7. Wakhtigaaga qaado markad hawsha bilaabaysid:xagaad
hawshaada si dagdag ah ama qabqab ah ugu bilaabi
lahayd waxa qurux badan inaad wakhtigaaga ku qaadatid
iyo si xasiloon inta hore kadibna aad xawarahaaga
kordhisid.
8. Naftada cid aan ahayn ha barbar dhigin:markaad
naftaada aad barbar dhigtid qof kale wuxu dhaawac u gayn
kara kalsoonidaada iyo dhiranaantada, waayo markasta
waxa jira qof kaa gulo badan. Waxa haboon inaad naftada
oo kaliya is barbar dhigtid, sanadkan sanadkii hore maxa
isbedel naftayda ku imi iyo maxan hor mar gaadhay.
9. Xasuusno guulaha aad gaadhay:waxa si fudud loo ilaabi
kara guulaha aad gaadhay waxana markasta qofkasta ku
soo laabta gul darada kaga timi nolasha. Marka si aad
horumar nolashaada u gaadhid waa inaad labadan kala
badashid oo xasuusnaata guulahad gaadhay.
10. Ku dayo dadka wanwanaagsan:ma leedahay qofaad
hiigsatid ama aad jeceshahay sifaadkooda? Waxa
nooloshaada bedali kara ama kobcin kara inaad dadka
sifaadka wanaagsan kaga dayatid.
11. Ha ilaabin inaad naftaada madadaalisid:si aanad
stress ama culays badan u dareenmin waa inaad naftaada
madadaalisid.
12. Ka bax waxa la idhahdo Baaxada Kalsoonida (Comfort
Zone):baaxada kalsoonidu waxa loo tarjumi kara
waxyaabaha aad markasta si fudud amaba si aan cabsi ku
jirin u qaban kartid. Tusaale ahaan hadaad ka baqatid
inaad dad hor istaagtid ama ka hor khudbadaysid kuma
jirto baaxada kalsoonidada. Markaa isku day inaad
markasta balaadhisid baaxada kalsoonidada oo qabatid
waxyaabaha naftaada ku adag ama ay ka cabsato.
13. Ha ka baqin guul darada:guul daradu waa qayb ka
mid ah nolosha wa cashar ka mid ah casharada nolosha,
ha ku noqoto tix raaca guuloynka mustaqbalkaaga.
14. Baadhintaan ka sii samee hawshad qaban
doontid:markaad baadhitaan si samaysid hawl aad qaban
doontid ama aad waydiisid dad horta hawshan qabtay
waxad ka sii baaran dagi karta dhibaatoynka ka hor iman
kara. Laakin yaanu noqonwax ku niyad jabiya markad
maqashid dhibatoynka ka hor iman kara.
15. Waa inaad garataa asbaabta aad hawshan u
qabanaysid:hadaanad ogayn sababaha aad hawshan u
qabanaysid ama aanad lahayn asbaab adag o ku qancisa
wuxu kugu keeni kara inaad hawsha caajis badan ka
muujisid.
16. Sii qor hadafkaaga iyo sababaha aad hadafkan
uleedahay:ku dhaji meel aad arki kartid maalinkasta ama
sariirtaada agteeda ama computerkaaga wallpaperkiisa si
aad u xasuusnaato.
17. Ku dadaal markasta niyadaada iyo fikirkaagu inunoqdo
mid positive ah:markasta hadaad wanaag ka fakirtid iyo
aad wanaag samaysid niyadaadu wixi noqonaysa mid
farxad badan. Ilaahi ayaa qoray qadarka markaa waa inu
noqda mid aad markasta ku qanacsantahay.
18. TVga iska yaree:TVgu wuxu noqday waxa ugu wakhti
lumis badan. Ku dadaal inaad yareesid hadaanad goyn
karayn.
19. Hawsha yaryare:hawshad leedhay markaad yaryaraysid
waxay noqonaysa mid dhib yar. Waa inaad u yeesha
talaabooyn yaryar. Is waydii waxa ugu horeeya waa maxay
iyo talaabooynka xiga. Markaad samaysatid liis ama shax
hawleed aad ku maamushid hawshaada waxay ka
yaraynaysa baahsanaan ku soo waajihi karta. Markasto
talaabo ku guulaysato naftaada dhiranaan ayaa galaysa o
kugu dhiirinaysa talabooynka kale.
20. Dib naftaada u program garee:ka fogow waxyaabaha
naftaada murugo galisa iyo waxyaabaha negative ah.
Inkasto ay wanaagsantahay inaad ogaatid waxa caalamka
ka dhaca laakin isku day inaad wararka tvga iska yareeso
waayo markaad aragtid dagaalada iyo waxyaabaha
aduunka ka socda adoon waxba ka qaban karin faiido ku
yeeli mayso inaad ka xumaatidmooyane. Ku dadaal inaad
naftaada ka buuxisid warfarxad leh.
21. Adeegso awoodada maskaxeed rabi ku siiyey:soo
qaado xaashi cad iyo qalin, ka dibna xaga sare ku qor
qayb noloshaada ka mid ah aad rabtid inaad wax ka
bedeshid. Ka dibna qodobe fikradahaaga aad isleedahay
hadaad ku camal fashid inu qaybta noloshaada kur u
qaadayo. Waxaad qorta ugu yaraan 20 qodob, ka dibna
raaci 10 qodob oo kale. Qodobada aad qortay kama
dhigna inay wada saxanyihiin ama dhamaantood wada
wanaagsanyihiin laakin qasab waxa ka soo bixi doona
qodobo aad u wanaagsan iyo anfac leh. Qaabkan waxaad
ku baran karta sida fikirado badanlala soo baxo.
22. Waxaad ogaata waxyaabaha kaga farxin kara kadibna
samee:laakin yaani noqon wax hawlahaagakale kaa
mashquuliya.
23. Waxaad dhagaysata muxaadaroyn iyo khudbadonaftaad
a kobcinaya:waxa jira muxadaroyn badan ama khudbado
internetka ka buuxa oo ku dhiiri galinkara. Tusaale ahaan
hadaad doonaysid inaad quraanka kariimaka qaybtid
waxaad dhagaystaa muxaadarada Sh. Mustafe Awoodaha
Ilaahey Inasiiyay oo Aynu Dayacnay.
24. Badel qaabkad u fakirtid:qofkastaba si bu u fikira
waxaad isku daydaa inaad badeshid qabkad u fikirtid.
25. Wakhtigaaga ilaalsho:hantida kaliya aynu haysano waa
wakhtiga marka isku day inaad ilaalshatid wakhtigaaga.
0 Comments