Maxay Marwalba Reer Galbeedka Xumaanta ugu Tiiriyaan Dadka Muslimiinta.

Maxay Marwalba Reer Galbeedka Xumaanta ugu Tiiriyaan Dadka Muslimiinta.


Mowduuceeynu maanta Suaashaasi ayaan kaga hadli doonaa.

Inta aan Suaashaasi ka jawaabin aan isla aragno Dhibaatada ay Reer Galbeedka U geesteen Bani aadamka.

1) Dagaalkii Koowaad ee aduunka oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Million halka ay ku dhaawacmeen 21 Million oo qofood, Muslimiinta Miyaa ka dambeeyey Jawaabtu Waa Maya.

2) Dagaalkii Labaad ee aduunka oo ay ku dhinteen ku dhawaad 75 Million oo qofood, Muslimiinta Miyaa ka dambeeyey Jawaabtu Waa Maya. Isla ayaga ayaa ku baaba’ay

3) Yaa ku Xasuuqay Holocaust 6 Million ee Yahuuda ah. Waa Hitler. Muslina maha.

4) Yaa Xasuuqay 20 Million dadka Aborigines ee Dalka Australia. Muslimiinta Kama Dambeen.

5) Yaa ku Riday Bamka Nuclier ah Magaalooyinka dalka Japan sida: Horisha iyo Nagazaki. Waa Mareykanka, Muslim maha.

6) Yaa xasuuqay in kabadan 100 Million ee hinduuska ah Ee ku noolaa Koofurta Ameerika. 

7) Yaa Adoonsaday in ka badan 180 Million Ee Afrikaan ah ee laga soo Qafaashay Dalalkooda intaas waxaa si dheer 88% kamid ah ay dhinteen ku waasoo lagu Tuuray Badda. Waa reer yurub mana aha Muslimiinta.

Intaas waxaa ka badan Xasuuqa ay u geesteen Dadka Muslimiinta: waxaana ka xusi karnaa

1) Duulaankii ay ku qaadeen Dalalka Afgaanistaan, Ciraaq, Siiriya, Liibiya iyo Soomaaliya.

2) Iyo Hada oo ay xasuuq ba’an ku hayaan dadka Falastiin gaar ahaan Reer Gaza oo ay marka hore dhulkooda xooga u dijiyeen Yahuuda. Hadana ku caawinaya xasuuqada ay yahuuda u geysanayaa Dadkaasi Masaakiinta ah. 

Hadaba waxaan rabnaa inaan Qeexno Argigixiso.

Hadii qof aan Islaam ahay Sameeyo Wax Xun waxay lee yihiin waa Dambiile. 

Balse hadii qof Muslim ah uu sameeyo Wax yar oo Qalad ah waxay ku shaabadeynaayaan inuu yahay Argigixiye.

Aan ku siiyo Tusaale aad ku fahmi karto

Qof reer yurub ah oo aan muslim ahayn hadii uu kala kulmo qolo kale fal jiritaankiisa iyo sharaftiisa halis ku ah uuna iska celiyo waa nin fiican.

Balse qof Muslim ah ayaa qolo kale damacday inay gurigiisa xoog uga qaataan uuna iska difaaco waa argigixiye, waa sida ka taagan Fasaltiin. 


Xamaas maxaa lagu haystaa maxay u leeyihiin waa argigixiso, waxay diidan tahay dhulkooda in laga qaato.


Hadaba waxaan halkaasi Ka fahmeenaa labo wajeelinimada Reer Galbeedka. Intaasi waxaa dheer qaar muslimiinta ka mid ah oo wali aaminsan in reer Galbeedka uu yahay Ilaaliyaha Xuquuqda iyo Simaanta Bani aadamka.


Ka muslim ahaan Waxaa nagala rabaa inaan Diinteenka Ku Faano oo aan ka dhiidhino Ficilada Reer Galbeedka. 


W/Q: Ahmed Suhaib

Post a Comment

0 Comments