Waa Maxay Illuminati?

Illimunati waa urur qarsoon oo dhaqaalaha iyo siyaasada caalamka daaha gadaashiina ka maamula, sidoo kale waxay maamulaan warbaahinta, way adagtahay inaad kamid noqoto, waxaa ka sii adag hadii aad mar kamid noqoto meel aad uga baxdo ma heleysid oo aan ka ahayn dhimasho. Waxay caabudaan shaydaanka, ayagoo aaminsan in diimaha ay yihiin quraafaad. 


Waxay adeegsadaan fanaaniinta iyo ciyaartoyda si ay ugu gudbiyaan ajandayaashooda. 

Yaa aasaasay

nin la oran jiray Adam weeyshab ayaa Sanadkii 1776 ku aasaasay ururkaan Gobolka Bafaariya oo jarmalka ka tirsan, asiga iyo 4 nin oo ardaydiisa kamid ahaa ayaa dejiyey qawaaniinta iyo afkaaraha saldhig u noqonaya ururka. Adam weeyshab ayuu kasoo jeedaa qoys yuhuud ah balse qaatay diinta kirishtaanka.  

Kulantooda ugu horeeyey wuxuu dhacay 1 may 1776, ayagoo dejiyey qaabka uu ururka u shaqeyn doono, iyo qaabka ay ku hanan karaan dad kale, waxay isla qaateen in ay gacanta ku dhigaan dhaqaalaha iyo warbaahinta caalamka. Sidoo kale waxay dejiyeen shuruudaha laga rabo qofka ka mid noqonaya ururka: 1) waa inuu sumcad leeyahay, ama uu kasoo jeedo qoys sumcad ku dheh leh bulshada. 2) waa inuu dhaqaale leeyahay.


Marba marka kasii dambey waxaa badanayey dadka ku biiraya ururkaasi. Sanadkii 1782 tirada dadku ku jira ururka wuxuu gaaray 600 oo qof oo ay ku jiraan fanaaniin, qoraa iyo dad sumcad ku leh bulshada. 


Boqolka bafaariya markuu maqlay in urur qarsoodi ah lagu aasaasay gobolkiisa ayaa weeraray xaruumahooda wuxuu la wareegay waraaqado iyo kutubo ay leeyihiin ururkaasi oo ku cadaa qorshayaashooda iyo waxay caabudaan. Wuxuuna armay boqorka qofkasta oo ku cadaata inuu ka tirsan yahay ururkaasi in la dili doono.  



Kadib waxay saldhigteen dalka mareykanka oo ay ka bilaabeen hirgelinta qorshayaashooda waana Meesha ay ka bilaabantay illimunatiga saxda ah oo hadda xukuma dhaqaalaha iyo siyaasada dunida. 

Lacagta halka dollar waxaa ku sawiran calaamadooda oo ah Triangle – sedax xagal oo qeybta kore ay uga dhigan tahay Il. Oo ay ula jeedaan waxkasta wan la soconaa. Waxna kama jiro warkooda waxkasta waxaa og oo kaliya Alle SW.


Hadaba maxay aaminsan yihiin

Ururkaan Wuxuu aaminsanyhiin in diimaha oo dhan ay yihiin quraafaad waxayna caabudaan shaydaanka iyo sixirka. Qofkii kusoo biira ururkan wuxuu ka tanaasulayaa diintiisa iyo dhaqankiisa wuxuu isku dhiibi doonaa shaydaanka wixii la doono ayaa laga sameystaa. Asigana waxaa laga dhigi doonaa nin caan ah, hadana hodan ah. 

Fanaaniinta iyo ciyaartowda oo ka midka ah ururkaan waxay fagaaraha ku sameeyaan calaamadooda Triangle ah ayagoo gacmaha kor u qaadaya, sidoo kale waxaa lagu amrayaa inay ku dhex daraan heesahooda ereyo lid ku ah diimaha ayna buunbuuniyaan shaydaanka.  

Waxaa jira shirqool badan oo ay ku lug lahaayeen Illuminatiga tan iyo markii la aasaasay. Sida inay abaabuleen Kacaankii Faransiiska 1789, ee xukunka looga tuurey boqortooyadii. Iyo inay abuubuleen dagaalkii 1aad iyo 2aad ee aduunka. sidoo kale waxay aasaaseen ururka Qaramada madoobe, dimuquraadiyada, sahyuuniyadda, hanti wadaaga, dagaalkii Fiitnaam iyo faafinta cudurada halista ah sida HIV Aidska.


Dadka ugu caansan ee ku jiray ururkaan waxaa kamid ahaa madaxweynihii Mareykanka oo lagu magacaabi jiray Franklin D. Rozafelt waana Madaxweynaha sameeyey nashqada Lacagta Dollarka. 


Hadda waxaa ku jira ururkaan fanaaniid caan ah oo laga yaqaano dunadda. Dhanka soomaalida waxaa la sheegaa inay ku jiraan ururkaan ilaa 8 qof oo 3 kamid ah haween yihiin.

Post a Comment

0 Comments