Arday walba oo waxbarashada ku gudajira
waxa uu jecelahay in uu ku guulaysto
waxbarashadiisa,heer sarena uu ka gaaro ,
subax walba kumanaan arday ah ayaa u
kalaha goobaha waxbarasho, hadafkooduna
yahay iney ku guuleystaan aqoonta iyo
waxbarashada.
Hadaba waxbarashada sidee ayaan loogu
guulaysan karnaa? una noqon kartaa arday
wanaagsan waqtigiisa iyo dadaalkiisama ka
miro dhaliya.
Talaabooyinka soo socda waxaan ku eegi
doonnaa nidaamka ugu wanaagsan ee
ardaygu ku guulaysan inta uu waxbarashada
ku dhex jiro:
1-Marwalba oo aad doonayso in aad wax
akhriso waa in aad akhrisaa qaar kamid ah
aayadaha qur’aanka kariimka ah oo waxa
ugu wanaagsan ee la akhriyo ah.
2- In aad doorato meel ku haboon
akhrinta kana fogow meelaha dadku ku
badan yahay, waa in aad yeelataa meel kuu
goonni ah oo aad wax ku akhrisato.
3-Jadwala fiican waa in aad u samaysataa
qorsheynta wakhtigaaga, jadwalkaaga waa
inaad ku muujiso xilliyada cibaadada iyo la
kulanka asxaaba oo muhiim u ah nolosha
caadiga ah.
4- Ku dadaal inaad wax ku akhriso iftiin
kugu filan.
5- Marka aad casharka akhrineyso waa in
aan dulmartaa casharka oo dhan ka dibna
aad qeyb qeyb u akhrisataa iskuna daydaa
in aad diiwaan geliso meelaha ugu
muhiimsan ee casharka.
6- Ka fogow dheregga badan, waayo? waxa
uu kuu horseedaa caajis.
7- Hadii aad doonaysa in aad guulaysato
isku day in aad keligaa wax akhrisato .
8- Wax walba oo kaa mashquulinaya in aad
casharkaaga akhrisato ka fogow sida
Talefoonka ,telefishinka, sheekada,
….I.W.M
9- Marka aad dareento daal isku day in
aad shan daqiiqo nasato si aad uga
caajisin casharka.
10-Isku day in aad mar walba seexato
waqti kugu filan , mar walba oo aad
seexato waqti kugu filan waxa aad helaysaa
firfircooni badan oo aad ku akhrisato
casharkaaga.
11- Ogow horumarka waxbarashadaada
waxaa qeyb ka ah in aad dhegeysato
macallinkaaga, waayo? hadii aadan
casharka si fiican u dhegeysan waxaa kugu
adkaaneysa hadhowto akhriskiisa iyo
fahamkiisa.
12- Marwalba waa in aad Alle u
mahadceliso kana barido inaad guuleysato.
Qodobadaasi waa qodobada kuu
horseedaya in aad waxbarashadadaada ku
guulaysato dhamaantiin waxaan idiin
rajeynanaa guul .
1 Comments
Mahadsanid
ReplyDelete