Talooyin Ku socoto gabdhaheena aan jecelnahay

 "Hadaad marka hore sabab isugu noqotay inaad raqiis noqoto hadda ayaad isugu sababi kartaa inaad qaali noqoto hadaad talooyinkaan qadato inshaa allah"🍁


📥Fadlan Aqri oo si fiican u dhuux.


💧Gabryahay waxaan Ku leeyahay gurigiina ha Ku deeqo:guriga ka dhigo saaxiib oo ha noqon mid wareegta  oo banaanka taagan.

💧Noqo mid dhowrsan oo cafiifad ah: gabdho badan ayaa umaleya dhowrsanaanta inay tahay kaliya inaadan wiil kulasoc socon wadooyinka oo aanan xumaanta samayn, laakiin intaas kaliya ma ahan dhowrsanaantu, waxaa kaloo kamid ah dhowrsanaanta inaadan hadalo Ku dardarsan wiilasha ajnabiga kaa ah, oo aanad noqon mid iskudayda inay wiilasha xiriiro badan LA samaysa, xiriirada badan oo aad samaysaa ha umalyn inay soo jiidasho qof sababto ee waxay sababtaa inaad raqiis noqoto.


💧dooro qof diin iyo akhlaaq leh: Ha raadin kaliya qof maal qabeen ah waxaa laga yaabaa in qofka maal qabeenka ah in uu maal leeyahay balse diin iyo akhlaaq toona ma hayo..maalkana waa mid dhamaanaya marka muxuu kuu faa idaynaa.

--sidoo kale ha raadin qof quruxbadan kaliya laakiin raadi qof nolashaada qurux ka dhigaaya.


*Maxaad sameynaysaa*

Horta iska ilaali xiriirada badan gabdhaha  waxay u arkaan sharaf blse waa liidnaan iyo dabeecad xumo(Ma ahan dabeecad wanaagsan). 

-dooro qof kuu qalma oo ubadkaaga Aabahood u door iskana daay xiriirada badan

Xiirada badan oon miro dhal lahayn waa waqti lumis  iyo cadaab qalbiyaded.


💧gabar yahay Ku dadaal salaadaha baro sida salaadaha loo guto waqtigeedana Ku duko .oo cilmiga barashadiisa Ku dadaal.

💧waalidka baari u noqo:haku caasin waalidkaaga u qabo waxkastoo uu kuu dirsado(hadaysan munkar ahayn)

💧Ku dadaal aqrinta quraanka iyo adkaaraha.

💧Noqo mid danteeda taqaana oo aan sida LA rabo loo jiheen.

'''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''''

أنْ أصدُقُكَ النُّصْحَ، وأخسَرُكَ، أحبُّ إليَّ مِن أنْ أكذبكَ النُّصْحَ، وأكسَبك.

(Inaan talada kugu run sheego oo ay sababto in aan Ku wayo ayaan ka jeclahay inaan talada kugu been sheego oo aan Ku kasbado)

Post a Comment

1 Comments