DARDAARAN WIIL IYO AABIHIISA.

Nin aqli badnaa ayaa waxuu Taalo siyaay wilkisa oo yar.

DARDAARAN WIIL IYO AABIHIISA.



Aabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:-

1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan

Dhadhamiyey, mana Arag wax Caafimaadka ka Macaan.

2- Wiilkeygiyoow wax kastoo Qaraar ayaan Dhadhamiyey,

mana Arag wax ka Qaraar badan Dad inaad u Baahatid.

3- Wiilkeygiyoow Wax kasta oo Culus ayaan Qaadaay,

mana Arag Wax ka Culus badan Deyn aad Qof ka qaadatay.

4- Wiilkeygiyoow waxaan soo

Arkay Dad Malqabeen ah, mana Arag Qof Maalkiisa ku

Qanacsan.

5- Wiilkeygiyoow Kuwo i Neceb ayaa ila Coloobeen, mana

Arag wax iiga Cadowsan Nafteyda.

6- Wiilkeygiyoow Dhar kii u Qurux badnaa ayaan soo Xirtay,

mana Arag Wax ka Qurux badan Alle ka cabsiga.

7- Wiilkeygiyoo Labana Xusuusnoow intaad Nooshahay:-

Xuska Ilaaheey & Geerida.

Wabillaahi Towfiiq.

(ILAAHOOW XAQA NA WAAFAJI).

Post a Comment

0 Comments