Adolf Hitler waxa uu dhashay April 2, 1889 tuulo yar oo ku taal dhulka Austria oo xuduud la leh dalka Jarmalka laguna magacaabo ("Brunau").
Hitler waxa uu ahaa wiilkii afraad ee lix carruur ah oo uu dhalay aabe ka shaqayn jiray kastamka canshuuraha, Alois Hitler, iyo hooyo ka soo jeeda qoys beeralay ah, Clara Hitler, oo ah xaaska saddexaad ee aabihiis.
Kadib markii uu aabihii ka fadhiistay shaqada, Adolf Hitler waxa uu caruurnimadiisii intiisa badan ku qaatay magaalada Linz ee caasimada Upper Austria, waxayna aheyd magaaladii uu jeclaa intii uu noolaa oo dhan, wuxuu muujin jiray rabitaan ah in halkaas lagu aaso.
Hitler yaraantiisii waxa uu ka cabsan jiray aabbihii, wuuna necbaa, sababtoo ah waxa uu si xun ula dhaqmi jiray isaga iyo hooyadii oo uu si adag u garaaci jiray. Laakiin hilter wuxuu baari u ahaan hooyadiisa.
Hitler waxa uu galay dugsiga hoose iyo dhexe ee magaalada Linz, inta uu ahaan dugsiga Hoose/dhexe wuxuu keeni jiray buundooyin fiican, hase yeeshee dugsiga sare markuu gaaray wuxuu keeni jiray boodooyin liita. taas oo ka cadhaysiisay aabihii oo doonayay in wiilkiisu uu noqdo shaqaale dawladeed asiga oo kale ah.
Aabihii, Alois Hitler, waxa uu dhintay 1903, laakiin waxa uu ka tagay hawlgab iyo kayd dhaqaale oo ku filan si uu u taageero xaaskiisa iyo carruurtiisa.
1907 waxaa geeriyootay hooyadiisa 4 sano ka dib dhimashadii ninkeeda, taasoo ka dhalatay kansarka naasaha.
Ka dib dhimashadii hooyadii 1907, Hitler wuxuu u guuray Vienna ka dib markii uu dhammeeyey dugsiga sare isaga oo isku dayaya inuu ku guuleysto riyadiisii farshaxanka, Hitler wuxuu hamiyay inuu noqdo Artiste, laakiin ma uusan gudbin imtixaankii Aqbalaada Kulliyadda Farshaxanka, sidaas darteed mar kale ayuu isku dayay wuuna ku guuldareystay.
Hitler ma uusan rabin shaqooyin dowladeed oo caadi ah,
Bilowgii noloshiisa, waxaa lagu qasbay inuu qabto shaqooyin kala duwan si uu u daboolo baahiyihiisa nololeed, laakiin waxaa ku dhacay rabitaan xad dhaaf ah oo uu ku doonayo inuu ku gaaro guulo waaweyn.
Sannadkii 1913kii, Hitler waxa uu u guuray Munich, wuxuuna codsaday in uu qor ciidanimo laakiin waa laga diiday sababtoo ah caatonimadiisa iyo qaab-dhismeedkiisa jireed oo daciif ah, laakiin markii uu qarxay dagaalkii koowaad ee aduunka 28, 1914, wuxuu ka codsaday Bavarian. Boqor Louis III Waa loo oggolaaday inuu adeego, codsigiisiina waa la aqbalay.
markii uu qarxay dagaalkii koowaad ee aduunka, wuxuu si mutadawacnimo ah ugu adeegi jiray ciidamada Jarmalka ee ka qayb qaatay dagaalka,
Ka dib siddeed toddobaad oo tababar ah, Hitler waxaa la geeyay furin ay ka dagaalamayeen Belgium iyo Faransiiska.
Hitler wuxuu qaatay mid ka mid ah shaqooyinka ugu khatarta badan ee dagaallada, maadaama uu ahaa farriin qaadaha ciidamadii Jabhadda Galbeedka wuxuu sidoo kale ka qaybqaatay dhowr dagaal oo waaweyn. Mid kamid ah dagaaladaasi ayuu lugta ka dhaawacmay.
Dagaalka markuu dhamaaday 1918 hitler wuxuu ku guuleystay abaal marinta geesiga dagaalka.
Dhammaadkii dagaalka ka dib, Hitler wuxuu u jeestay shaqada siyaasadeed ee Munich, wuxuu ku biiray "Xisbiga Shaqaalaha Jarmalka " waxaa loo magacaabay afhayeenka xisbiga. , kaas oo magaciisa u bedelay sanadkii 1920 "Xisbiga Nazi".
Hitler waxa uu u isticmaalay xirfadiisa si uu u horumariyo xisbiga isaga oo ku dhejiyay fikradihiisa iyo aragtidiisa, waxa uu kor u qaaday halku dhigyo uu ugu baaqayo dadka Jarmalka inay ku midoobaan hal qaran, waxaanu abaabulay ciidan gaar ah oo uu ugu yeedhay "Duufaannada".
1923 Xisbigii Nazi-ga ayaa isku daygii afgambi, balse isku daygaasi waa uu fashilmay, waxaana Hitler lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah, isaga oo lagu eedeeyay khiyaamo qaran, kaas oo uu 9 bilood oo keliya ku qaatay xabsiga, Ka dib markii xabsiga laga sii daayay, Hitler waxaa laga mamnuucay inuu ka hadlko fagaaraha,
1930 Xisbiga Naaziga ayaa kor u kacay, doorashadii ka dhacay dalka jarmalka, waxa uu helay in ka badan 18 boqolkiiba codadka doorashadka,
1933, Madaxweyne jarmalka wuxuu u magacaabay hitler inuu noqdo Ra’iisul-wasaaraha Jarmalka, markii uu xukunka qabtay, Hitler wuxuu bilaabay inuu baabi'iyo dadka ka soo horjeeda Xisbigiisa,
isbeddelka ugu weyn wuxuu yimid Agoosto 1934, markii Madaxweynihii Jarmalka uu geeriyooday, Hitler wuxuu la wareegay xukunka Jarmalka oo dhan wuxuuna isku magacaabay hogaamiyaha iyo ra'iisal wasaaraha Jarmalka,
Hitler wuxuu ku dhawaaqay Sharciga Dhalashada kaas oo ah sharciga ilaalinaya dhiigga Jarmalka, sharafta Jarmal, iyo Sharciga Calanka ka dibna Golaha Wakiilada ayaa ansixiyay.
iyo sharci diidaya in Yuhuudda ay muwaadiniin yihiin kuwaasoo ka mamnuuc ah inay ka shaqeeystaan dalka iyo inay guursadaan dadka jarmalka ah. Wuxuuna u sameeyey xaafado u gaar ah wuxuuna amray in la toogto qofkii lasoo baxa xaafada, markii dambe wuxuu sameeyey xeryo lagu xasuuqo dadka yuhuuda ah, waxaa lagu qiyaasaa inuu xasuuqay in ka badan 6Milyan oo yuhuud ah. Hitler waxa uu rumaysnaa in cadawga ugu weyn ee uu leeyahay ay yihiin Yuhuuda,
Ma uusan dhameysan sannadkiisii saddexaad ee uu xukunka hayay ilaa uu billaabay duullaankii wadamada dariska la ahaa, wuxuuna qabsaday dalka Austria, kaddibna yuguslaafiya, iyo dalal badan oo Yurub ah, isagoo saaxiib ka dhigtay dalalka Jabbaan iyo Talyaani, taasoo uu ku beddelanayo. Isbahaysiga Faransiiska-British-Maraykanka-Soviet. Hitlar hadafkiisu waxa uu ahaa in uu dhiso dawlad cusub oo ka hirgasha Yurub, yuhuudana laga saaro dalalkaasi,
Duullaankii uu ku qaaday dalka Poland sanadkii 1939-kii, waxa uu sababay in xulafada ay ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah hitler, intii uu socday dagaalka waxat ciidamadiisa qabsadeen dhul badan oo Yurub ah, iyo goobo aad u ballaadhan oo ka tirsan Midowgii Sofiyeeti, halkaas oo ay ku dileen in ku dhow saddex milyan oo Ruush ah, ka hor intii aanay Sovietku awood u yeelan inay burburiyaan Jarmalka. Ciidamada jarmalka ee ka dagaalamayey magaalada Stalingrad waxay la kulmeen xasuuq aad u daran, kaas oo socday dhowr bilood.
Guuldaradaasi waxay ahayd mid wax weyn ka badashay dagaalka, ciidamadii Jarmalku waxay bilaabeen inay burburaan ilaa ay dib ugu soo gurteen Jarmalka.
Sannadkii 1945-kii, ciidamadii Isbaheysiga waxay ku guulaysteen inay qabsadaan barliin caasimada Jarmalka .
Isku dayo dhowr ah ayaa la qorsheeyay in lagu dilo Hitler, laakiin kii ugu halista badnaa wuxuu ahaa sanadkii 1944, bam ku qarxiyay shir ka dhacay xarunta Hitler ee Bariga Prussia, laakiin Hitler ayaa gaaray dhaawacyo hoose, waxaana lasoo qabtay inta badan dadkii ku lug lahaa isku daygaasi dilka ah.
Ugu dambeyn sida la sheegay
Hilter wuxuu isku dilay xaruntiisa taliska isaga iyo xaaskiisa, dhulka hoostiisa.
0 Comments